Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

Xildhibaanno si kulul u eedeeyay guddoomiyaha Aqalka Sare Xaashi +(War-saxaafadeed)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland ayaa waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

War-saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin illaa 47 Xildhibaan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay ku sheegeen in uusan ku matalin Xildhibannada hadallada uu sheegayo iyo qoraalada uu soo saarayo ee uu kaga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka oo ay magacaawday Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa qoraalkooda waxaa ay ku sheegeen in Guddiyada doorashooyinka ee hagaya doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyi Magacaabistooda loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka.

“ Anaga oo ah Xildhibaannada Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) waxaana kulan ku yeelanay Magaalada Muqdisho si aan wax isaga weeydiino xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, waxaanu cadeyneynaa in uusan Guddoomiye Cabdi Xaashi nagu matalin hadallada uu ku durayo gudiyada doorashooyinka maadaama uusan nala tashan waxna naag weeydiin.

Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka oo Muqdisho lagu gaaray 17/9/2020, isla markaana kulan wadajir ah ay ku ansixiyeen labada Aqal & habraacyadii lagu dhisaayay Guddiyada doorashooyinka oo ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaranka .

Si kastaba, xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in siyaasiyiin u jeedooyin siyaasadeed leh ay doorashooyinka gobollada Waqooyi ka dhiganayaan dariiqooyin ay kusii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Qaranka, sidoo kalena ay u arkaan baqii ay soo saareen Midowga Musharixiinta mid fareglin qaawan iyo meelku dhac ku ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi, waxaana ay ugu baaqeen inay ka waantoobaan.

Ugu dambeyn, qoraalkaan ka soo baxay Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saarayay qoraalo isdaba-joog ah oo uu uga soo horjeedo guddiga dooashooyinka ay Xukuumadda u magacaawday doorashada Xildhibaannada Gobollada Waqooyi oo uu sheegay in laga soo xulay Xafiiska Taliyaha NISA iyo Shaqaalaha Dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...