Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay aad uga xun tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoog badan.
Wuxuu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Farmaajo ayaa u rajeeyey dowladda Turkiga inuu Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.
Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.6 ayaa ku dhuftay dalka Turkiga, waxaana ku dhintay ugu yaraan 26 ruux, halka ay boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmai.com





