Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo uu jiro Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, Khilaafkaasi oo gaaray meel fog, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si kooban uga hadlay Arrimaha Puntland.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafka ugu badan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hoggaamiyo, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay sameysay isku dayo badan oo ay ku doonayso in lagu soo afjaro khilaafka ragaadiyey dowladnimada, balse ay ka suurtoobi weysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.
Wareysi uu siiyay Tvga Universal, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu ku sheegay inuu dhawr mar casuumay Madaxweynaha Puntland si ay u wada hadlaan, balse uu diiday Siciid Deni arrintaasi.
Mar uu si gaar ah uga hadlayey khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni waxa uu yiri, “Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin”.
Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal Siyaasadeed adag kula jirta Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo uusan muuqan xal buuxa oo arrintaasi illaa hadda laga gaaray.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com