Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Cabdullaahi Sanbaloolshe oo si adag uga digay qatarta dhaqaale ee Forex

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa si weyn kaga digay qatarta dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed ka soo food saari karta ka ganacsiga Suuqa Sarifka lacagaha Online-ka ee Forex.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in Soomaaliya sarifkaan ay keeneen dad doonaya dano dhaqaale inay ka helaan Soomaaliya, islamarkaana uu yahay Mashruuc dabin ah oo la doonayo in lagu baabi,iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa sheegay lacag laga soo qaaday dalka Qatar oo gaaraysa 10 Milyan in lagu bilaabay Suuqa Sarifka ee Forex ee Soomaaliya, qorshahaasina ay masuul ka yihiin madax ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxa uu shacabka Soomaaliyed kaga digay qatartaasi wayn ee dhaqaale ee suurogal noqon karto inay soo food saaraan shacabka Soomaaliyeed, maadaama dhaqaalahooda ay wada galiyeen Forex, balse arrintaasi ay tahay qatar wayn.

“Runtii dadka beenta Forex loo sheego waa haweenka iyo dhalinyarada oo aan garaneyn habka Suuqa Sarifka Onlineka uu u shaqeeyo, kuwaasi oo loo sheegayo in lacago faaiido la siinaayo aniga waxaan aaminsanahay dowladda hadda jirta lug wayn ayeey ku leedahay arrintaasi.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.

Culimadda Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa horay uga digay Suuqa sarifka Online-ka ee Forex oo waayahan dambe ku soo batay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...