Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Hay’adda NISA: Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir wuu is-casilay. (Ogow Sababta!)

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa sheegtay inuu is-casilay madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, kadib Khilaaf ka dhex taagan madaxda sare ee Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay Barta Twiterka Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa lagu sheegay Muuse Macalin oo loo yaqaan Mucaawiye inuu iska casilay xilkii Al-Shabaab uu ka haayay.

Nabad Suggida waxa ay sheegtay Muuse Macalin inuu ahaa shaqsi raacsan garabka Mahad Karataay oo madaxda sare ee Al-Shabaab ka tirsan.

Ma jirto ilo wareedyo madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya warka ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ee ay ku sheegayso inuu iscasilay madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...