Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha Africom?

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiistii maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Puntland.

Taliyaha Africom ayaa shalay wuxuu joogay Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Hawlgalka Africom ayaa waxa ay dagaal adag kula jiraan Ururka Al Shabaab, iyadoo la sii kordhiyay dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...