Monday, June 1, 2026
26.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay sii xoojineyso tallaabooyinkii hore ee ku aaddanaa awoodsiinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, hoggaaminta hay’adaha Dowladda iyo ka qeybgalka dib u dhiska dalka.

“Tallaabooyinka aan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed kaga qeyb galinayno maamulka iyo siyaasadda dalka waa kuwo muhiim u ah soo nooleynta rajadooda. Magacaabista Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo uu mutaystay Cabdinuur waxa ay muujinaysaa sida aan dhallinyarada Soomaaliyeed uga qeyb gelinayno dhammaan heerarka sare ee siyaasadda iyo Maamulka dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii. Cabdinuur waxa uu muddadaas kamid ahaa agaasimayaashii ugu wakhtiga dheeraa intii xukuumaddani jirtay taasi oo u soo jiidday sumcad uu ku mutaystay dallacsiintan si uu u sii dardargeliyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...