Muqdisho (Halqaran.com) – In ka badan 5 hoobiyeyaal ah ayaa caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah madaafiicdaan ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Shangaani, Waabari, Warta-nabadda, Xamar-Jajab iyo gooba kale.
Jugta hoobiyeyaashaan oo caawa aad looga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa cabsi xooggan gelisay shacabka.
Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Sidoo kale, weli kama aysan hadlin mas’uuliyiinta hay’adda Amniga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya hoobiyeyaashaasi.
Hoobiyeyaashaan ayaa ku soo beegmaya, xilli magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





