Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo isbaddel ku sameeyay taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbeddal ku sameeyay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed gaar ahaan taliye ku xigeenka iyo taliska Ciidanka lugta.

Farmaajo ayaa taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga u magacaabay Generaal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa taliyaha Ciidanka dhulka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dowladda Federaalka ayaa loo magacaabay Generaal Maxamed Tahliil Biixi, halka taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh.

Saraakiishaan oo aan la shaacin magacaabistooda ayaa maanta xilalka la wareegay, kadib Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo Taliska Ciidanka xoogga Dalka.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbeddel joogto ah ku sameeynayay bilihii la soo dhaafay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka, waxaana qaar ka mid ah dadka dhalila ay sheegeen in shaqadda Ciidanka ay hakiyeen isbadalada joogtada ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...