Thursday, September 17, 2026
24.8 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Shacabka kaga mahadceliyay kalsooni siinta RW Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.

Madaxweynaha oo la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yididiillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Codsiga Madaxweyne ee kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha kaddib, Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay yeesheen kulan kale oo gaar ah oo ay codka kalsoonida ku-siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, iyada oo codeynta uu dibad joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxa ayna Xildhibaannadu cod buuxa ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xuukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Kulankii Labaad ee Golaha Shacabka oo uu ku soo biiray waxa uu goob-joog ka ahaa Xasaanad-siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xilka uu u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...