Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ilhaan Cumar oo Madaxweyne Trump ku tilmaamtay canug Siddeed jir ah!

Washington (Halqaran.com) – Ilhan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka aadna u dhaliilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dacaayadeysay Trump inuu dalkaasi u maamulay sida cunug “siddeed jir ah”.

Waxay ka jawaabeysay hadalkii Mr Trump uu xalay ka sheegay ololihiisa doorashada, isagoo yiri:

“Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay dhaheen. Waxaad noo sheegeysaa sida loo maamumo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaas ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna.”

Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay kaga jawaabtay hadalka Trump: “Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana ka tirsanahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale.”

Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.

Sanadkii 2016, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona November.

Xigasho – BBC

@Halqaran.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...