Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweyne cusub ee Kenya William Ruto oo lagu soo dhaweeyay Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya William Ruto iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Khamiistii maanta booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya labada dal iyo arrimo kale duwan oo ku saabsan xiriirka soo jireenka ee u dhaxeey labada dal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasadda furitaanka Shirkadda Safaricom qeybteeda dalka itoobiya.

Maalmaha uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa waxaa uu booqan doonaa Xarumo kala duwan oo kuyaalla halkaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...