Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo muddooyinki dambe in badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka socdeen dagaallo ka dhan ah Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo ay wadeen ciidamada DF Somaliya iyo dadka deegaanka ayaa Xukuumadda Federaalka ay ka dalbatay dhalliyarada inay ka qeybgalaan dagaallada.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XF Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay inay qeyb ka noqdaan kacdoonka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Mr Barre ayaa waxa uu sheegay in qaar kamid ah dalalka Carbeed xornimada ay heystaan ay qeyb ka keeneen dhallinyaradooda, taas beddelkeena ay muhiim tahay in la arko doorka howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada daddaalo ku aadan sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii adeegyo bulsho loo gaar siin lahaa deegaannada laga saaray Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





