Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

66 Carruur ah oo u geeriyooday daawo lagu soo farsameeyay dalka India

Gambia (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa tijaabinaya tiro ka mid ah daawada Sharoobada ee loo isticmaalo qufaca ee ay soo saarto shirkadda daawada ee Maiden ee loogu talo galay in dalalka debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay Hay’adda Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu jiro xiriir ka dhexeeya daawooyin ay shirkaddani soo saartay iyo dhimashada tobanaan caruur ah oo ku nool waddanka Gambia.

Dhimashada 66 caruur ah oo u dhashay dalka Gambia ee ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa dhabar jab ku ah, sumcadda daawooyinka lagu farsameeyo dalka Hindiya, iyaga oo daafaha adduunka u dhoofiya daawooyin tiro badan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tijaabo shaybaar oo lagu sameeyey afar ka mid ah badeecadaha ay soo saarto shirkadda Maiden, kuwaas oo kala ah, Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup, inay ka soo baxday natiijo aan la qaadankarini, taasoo ay ku jiraan waxyaabo sun ah oo dhaawac gaadhsiinaya kelyaha.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in muunado isku dhaf ah oo ay soo saartay shirkaddani oo ka kooban dhamaan afarta nooc ee walaaca caafimaad laga muujiyey, inay u direen shaybaadh dawladeed, iyaga oo sugaya natiijada ka soo baxda, si ay ugu go’aan qaataan.

Ugu dambeyn, wasaaradda ayaa ka codsatay hay’adda WHO inay la wadaagto dawladda Hindiya, natiijada muujinaysa in daawooyinka ay shirkaddani soo saarto inay sababeen dhimashada.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday, in fariin email ah, lagaga codsaday hay’adda WHO inay ka falceliso arrintan, hase ahaatee kama aysan soo jawaabin

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...