Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Axmed Madoobe oo reer Jubbaland ugu baaqay inay midoobaan

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa caawa munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaanna kuwa Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.

Axmed Madoobe wuxuu ALLE uga baryay ummadda in dambigooda dhaafo, waxaana uu kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa hambalyo u diray masuuliyiinta Dowladda ee labada golle, shaqaalaha iyo howlwadeenada Dowladda, ciidammada qalabka sida ee Jubbaland ee had iyo jeer u taagan difaaca amniga ummadda, Xaasaska iyo carruurta ciidammada qalabka sida, iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kula dardaarmay dadka reer Jubbaland in ay adkeeyaan midnimada, wadashaqeynta, iyo isu-naxariisashada dhexdooda ah si Rabbi inoogu wada naxariisto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...