Saturday, April 11, 2026
28.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka gobolka Tigray oo goobo cusub ku sii faafay

Tigray (Halqaran.com) – Mucaaradka gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa fuliyey holwgallo ka dhan ah ciidamo taageersan dowladda oo ku sugan gobolka deriska ah ee Afar, waxaa sidaas Axaddii sheegay afhayeen u hadlay, taasi oo furtay furrin cusub oo dagaal ah.

Getachew Reda ayaa AFP u sheegay in “howlhgalka oo ahaa mid kooban,” lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromia oo isku urursanayey xuddda Tigray iyo Afar.

“Waxaan tallaabooyinkan u qaadnay si aan u xaqiijino in ciidamadaas dib loogu celiyo gobolka Oromia, waana ku guuleysanay middaas,” ayuu yiri Getachew, oo intaas ku daray inuu jiray khasaare, balse uusan sheegi karin tirada.

“Howlgalkeena wuxuu ahaa mid aad u kooban, oo lagu kala eryeyey maleeshiyo cayayaan ah oo ka yimid Oromia oo badankood lagu qasbay dagaalkan aan macnaha laheyn.”

Afhayeen u hadlay gobolka Afar kama jawaabin codsi la doonayey inuu arrintan uga hadlo.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda. Maamulka Afar kama mid ah maamullada sidaas sheegay.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa shalay daabacday bayaan ku eedeeyey TPLF inay is-hortaageen gargaarka loo wado gobolka ee la marsiinayo gobolka Afar, ayaga oo adeegsanaya “duqeymo culus” iyo “hubka artillariga.”

Getachew waa uu beeniyey in wax gargaar gaarsiin ah la is-hortaagay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...