Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo maanta ku wajahan Jabuuti + Ujeedka safarkiisa

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay safar ugu ambabaxaan dalka Jabuuti.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Muuse Bixii ee Jabuuti ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad la doortay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkiisa wehlin doona sida uu qorshuhu yahay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, iyagoona saacadaha soo socda ka dhoofi doona magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr jeer socdaalo ku tegay dalka Jabuuti, isagoona halkaas kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo kawada hadlay arrimo kala duwan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...