Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Ciidamo lagu soo tababaray Jabuuti oo dalka dib ugu soo noqday +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa Jimcihii maanta dib ugu soo noqday dalka.

Cutub ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed oo muddo saddex bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka .

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macallimiin khuburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqodaan, howlgallada sugidda Nabadgelyada iyo sifeynta Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...