Jabuuti (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gabal-dhicii Jimcihii maanta gaaray magaalada Djibouti ee Xarunta dalka Jabuuti, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Mr. Rooble ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalkaasi uga qaybgelaya caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Rooble waa safarkii 4aad oo uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaranimada loo magacaabay bishii September ee sanadkii tagay 2020-ka.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





