Saturday, June 20, 2026
26.5 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo digniin u diray madax dhaqameedkii ka hadlay Midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi /Sawir hore/Keydka HQ

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Khamiistii maanta digniin u diray madaxda dhaqanka reer Somaliland.

Mr. Biixi ayaa dhaqanka Somaliland  ugu baaqay in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan dhaqanka, sidaas haddii ay sameyn waayaana ay u diyaar garoobaan cawaaqib xumada ka dhalata arintaas.

“Madax dhaqameedka waxaanu ka sugaynaa oo aanu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa hadalkiisa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland ay warbaahinta ka sheegeen in wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland laga qeyb galiyo, sidoo kalana xusay in ay marnaba kala go’i karin Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee, wadahadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha JF Somaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...