Monday, May 11, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somalilad oo si kulul uga hadlay dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Sanaag

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadley dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay deegaanka Fadhigaab ee degmada Ceelafweyn Gobolka Sanaag.

Mr. Biixi oo Shir jaraa’id ku qabtey magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka Ceelafweyn iyo deegaannada ku dhow dhow sidii lagu xalin lahaa Somaliland ay waqti badan ku bixiyey, balse nasiib xumo markale uu dib u bilawday

Madaxweynaha Somalialnd ayaa tilmaamay, in xilligaan aan la joogin waqtigii la dagaalami lahaa, balse looga baahan yahay Odayaasha labada maleeshiyo beeleed inay miiska wada hadalka wax walba ku dhameeyaan.

Ugu dambeyn, dagaalka deegaanka Fadhigaab ee degmada Ceelafweyn ayaa ah mid soo noqnoqday, waxaana horey u jirey heshiis dhexmaray beelaha dagaallamay, hasayeeshee heshiiskaasi uu fashilmay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...