
Garowe (Halqaran.com) – Muddooyinkii dambe oo dib u habeyn ay ku socotay taliyeyaasha Booliska ee Gobolada Puntland ayaa Axaddii maanta Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa wuxuu ku magacaabay Sarkaal cusub.
Digreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa u qorneyd sidan.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna Saxiixay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





