Madaxweynaha Puntland oo Shir muhiim ah ka furay Garoowe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey Shirka isagoo rajeeyay in maalmaha uu socdo ay kasoo baxaan tallooyin wanaagsan, oo ka qeyb qaata badaadinta deegaanka.

Mr. Deni ayaa la wadaagay shirka in Dowladdu ciidamada ay dhistay ay door muhim ka qaadan doonaan in sharciga la mariyo dadka dhirta jara iyo kuwa dhulka qabsada iyagoo ganacsi ka raadinaya.

Puntland ayaa hore u yareysay Cashuurta laga qaado Gaas-ka cuntada lagu karsado, si bulshadu ay uga baaqato in ay dhirta jaraan, sidoo kale Dowladdu waxay horumarisay tamarta Shirkadaha Korontada ee Boosaaso taasi oo iyana dhiirrigelinaysa in dadku korontada adeegsado.

Shirweynaha 3-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Puntland, Hay’addaha Dowladda kala shaqeeya arrimaha deegaanka, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Aqoonyahanada, Waxgaradka, Culimada iyo Ururada Bulshada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com