Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni oo Magaaladda garoowe ka daahfuray bandhigga buugaagata ee Garoowe ayaa ka hadlay warbixin uu wargeyska New York Times ka qoray qaraxyo iyo dil ka dhacay Magaaladda Boosaaso.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Ku kalsoonyahay Sirta uu baahiyay Wargeyska The New York Times taas oo Ganacsade u dhashay dalka Qatar oo saaxiib dhow la ah Amiirka Qadar la dhagaystay taleefan uu kula hadlay safiirka Qatar ee Soomaaliya, isagoo u sheegaya weerar qarax ah oo ka dhacay Boosaaso ay ka dambeeyeen maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.
”Waxaan diidey jabinta dastuurka waxa weeye in sicad loo jabiyo, waxaan diyaar u nahay walaaleheena mudada dheer dhibaatada in ay qaataan qeyb weyn Muqdisho, laakin waxa aan leenahay oo ay tahay wax sugan oo aan ku xisaabtanno aan helno”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa Labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ka dalbaday iney baaritaan dhab ah ku sameeyeen Qoraal uu daabacay wargeyska, isagoo intaas raaciyay iney tani abuurtay tuhun ay horay u qabeen dad badan oo ah in meelo ka baxsan Dalka laga soo abaabulo falalka lidi ku ah xasiloonida Puntland iyo somaliyaba.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com