Thursday, August 27, 2026
24.8 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho kula kulmay RW hore Cali Maxamed Geedi

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo dedaalada socda ee ku qotoma arrimaha Doorashooyinka ee dadaalka loogu jiro.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Puntland doorka uu ka qaadanaayo dadaalada ku aadan qabsoomida hawlaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaatay Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Ku xigeenadii hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan.

Waxaa maanta la filayaa in Muqdisho uu ka dhaco kulamo u dhaxeeya Wafdiga Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...