Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti +(SAWIRRO)

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga iyo guud ahaan horumarka.

Kulanka waxaa Madaxweynayaasha ku weheliyey Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed.

Sidoo kale, dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Ganacsiga mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dibedda Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...