Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya ‘Farmaajo’ oo farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo adkeynta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ay fure u tahay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwii xornimada gaarsiiyey dalkeenna, waa kuwii dhidibada u taagay qaran ka tilmaaman qaaradda iyo guud ahaan caalamka. Maanta waa kuwa hormuudka u ah dib u dhiska, difaaca iyo adkeynta dowladnimada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey caqabadaha hortaagan riyada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta talada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid tahay hannaanka siyaasadda ku dhisan nidaamka qabaliga ah iyo doorashooyinka aan tooska ahayn ee ku saleysnayn xulista.

“Waxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda go’aamiyaan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladdii adkeyd ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in rafaadkaas laga saaro dhallinyradeenna meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dalkooda looga hirgeliyo nolol karaamo leh, fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...