Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay in Shirka Dhuusamareeb uu ku qabsoomayo waqtigiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in Shirka Dhuusamareeb uu ku dhici doono waqtigii loogu talo-galay, iyadoo uu jiro walaac la xiriira inuu baaqdo Shirkaasi.

Guddiyada farsamada iyo ka baaraandagida hawlaha Doorashooyinka ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, sidoo kalena waxa ay la kulmeen Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Sii-hayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayey kulamada ay guddidaasi yeesheen ayaa sheegay in wajiga saddexada ee wadahadalada ay qabsoomi doonaan waqtigii loogu talagalay.

“Ku talagalku waa sidaa, sidaa ayaan anagu farsama ahaan ku talajirnaa bisha 15 inuu shirka ka furmo magaalada Dhuusamareeb” ayuu yiri Mr Jaamac oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in ay wadaan qorsha ku aadan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada kala aragtida duwan,

“Waxaan wadnaa sidii aragtiyaha kala duwan la isugu keeni lahaa, sidii la isugu keeni lahaa doodaha siyaasadeed ee wadar-ogolka ah iyo kuwa dastuuriga ah ee jira sidii la isugu keeni lahaa, loona heli lahaa hanaan doorasho oo la wada ogol yahay, ,” ayuu intaa ku daray Mr Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale qiray in shirka guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyiinka ee Muqdisho ka dhacay ayasan ka qeyb galin xubnihii matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.

”Waa run way naga maqan yihiin labadii xubnood ee Jubbaland iyo Puntland, balse waxaan ku raja weenahay inay Dhuusamareeb noogu imaan doonaan, marka waa dadaal aan sii bilaawnay”, ayuu yiri wasiir Salaax Axmed Jaamac.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...