Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

UPDATE: Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay G/Mudug & Wararkii ugu dambeeyay

Mudug (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo deegaanka Shabeellow ee duleedka Magaalada Bacaadweyne ku dhexmaray Dadka deegaanka iyo Ururka Al-Shabaab.

Ilaa iyo 7 qof oo uu ku jiro Macallin Dugsi Quraan ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Shabellow, sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, kadib markii dagaalka ay ku soo biireen ciidamo ka tirsan qeybta  21aad oo gacan siinayay dadka deegaanka.

Xaalada deegaanka Shabeellow ee Bariga Gobolka Mudug ayaa hadda degan, iyada oo Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...