Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo kulamo siyaasadeed ka wada Nairobi & Axmed Madoobe oo Safar ah

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo siyaasadeed waxaa uu ka bilaabay Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin inta badan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Mr. Deni ayaa la kulmay siyaasiyiin miisaan leh oo damac kaga jiro Doorashada soo socota iyo sidoo kale wakiilo ka socda dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xubno ka mid ah Sirdoonka dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramaya Saciid Deni in uu kula kulmay Magalada Nairobi.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Nairobi, islamarkaana ku biiro kulamada siyaasadeed ee uu halkaasi ka wado Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...