Jubba (Halqaran) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Sudan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Sudanta Koonfureed, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay
Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Sudan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Sudan.
Dowladda Sudanta Koonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com











