Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isagoona guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siiddii oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi.
Xilka ka qaadista Guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa timid, kaddib markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha, Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur galbeed.
Ugu dambeyn, wareegtada ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha cusub looga fadhiyo in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.
Haddaba halka hoose ka akhriso wareegtada Madaxweyne Laftagareen:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






