Thursday, May 14, 2026
27.5 C
Mogadishu

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay guddiga adeegga garsoorka iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JF Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad kulankiisa 6-aad ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu goluhu ka hor akhriyay warbixinta xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo magacyadda xubnaha Golaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay warbixinta uu Wasiirka ka hor jeediyay Golaha iyo shaqada u taala.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod u qaaday xubnaha Golaha Adeegga Gorsoorka ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145 Xildhibaan oo ahaa kooramka kulanka golaha ku furmay, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intuba.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Golaha hor geeyay warbixinta xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka u leeyihiin.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay xubnaha guddigan.

Wasiirka Cadaaladda ayaa ka jawaabay su’aal ay Xildhibaannada qaarkood weydiiyeen oo aheyd xubin guddiga ka maqan iyo sidoo kale sababta Taariikh nololeedka xubnaha guddiga loogu qoray luuqadda Ingiriiska oo luuqada Hooyo ee Soomaaliga loogu qori waayay.

Intaasi kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo xubnahan cod u qaaday ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145 xildhibaan diidis iyo aamusid midna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay Ansixinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka  Musuq maasuqa.

Maadaamaa dooda Xildhibaannada Golaha badankeed ay ku saleysaneyd Miisaaniyadda ay ku shaqeyn doonaan guddiyadan ayaa Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray waxa uu  sheegay in Wasaaradda Cadaaladda looga baahanyahay in miisaaniyadda Guddiyadan ay kala hadasho Hay’adaha ay khuseyso ka hor inta aan miisaaniyadda Golaha la hor keenin dhamaadka sanadkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...