Wasiirka Shaqada & arrimaha bulshada Soomaaliya oo gaaray Garoowe, arrimo badanna ka…

Garoowe (Halqaran.com) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa Isniintii maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, Wasiirka wuxuu kormeeri doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu Wasiirka ku soo gaaray Garoowe, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran” Marwo Hodan Siciid Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo Wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ayaa u sheegtay Warbaahinta.

Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan inuu xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada.

Wuxuu intaasi raaciyay wasiirka,  inay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay Wasaaraddan ku taageerrayso.waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargaliyo, qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XF Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Si kastaba, booqasho uu wasiirka ku tagey magaalada Garoowe, waxaa ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay qeyb ka tahay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com