Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘Laftagareen’ oo gaaray Dhuusamareeb +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Laftagareen waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.

Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana magaaladaasi ku sii qul qulaya xubno kala duwan oo madaxda shirka ka qaybgaleysa ka mid ah.

Wajiga 3-aad ee Shirka Dhuusamareeb ayaa la filayaa maalinta berri ah inuu ka furmo Magaaladaasi, iyadoo qorshaha uu ahaa Sabtida maanta inuu furmo, balse dib u dhac ku yimid Shirkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...