Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka aragti dhiibtay khudbadda Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegay, in khudbaddii Farmaajo ee maanta ay aheyd mid beerlaxowsi.
Waxay kaloo sheegeen xildhibaannadan, in Madaxwene Farmaajo uu waqti ku bixinaayo baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka xilli Muddo xileedkiisa ay dhammaad tahay.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Khudbad lawada sugayay ka hor jeediyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in galabta uu u ambabaxo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Halka hoose ka dhageyso Codka Xildhibaannada:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





