Sunday, May 31, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed ‘Laftagareen’ oo tegay Degmada Ceelbarde ee G/Bakool

Bakool (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Isniintii maanta gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo udiyaar Garoobey Bilaabida Howlgallo Al-Shabaab looga saarayo Goobaha ay kaga sugan yihiin degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha Ciidaamda, isaga oo kala hadli doona bilaabida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmada Ceelbarde ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu dhowr jeer shaaciyay inay go’doonka ka qaadyaan balse aysan ku guuleysan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...