Bakool (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Isniintii maanta gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo udiyaar Garoobey Bilaabida Howlgallo Al-Shabaab looga saarayo Goobaha ay kaga sugan yihiin degaannada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka degmada Ceelbarde iyo Saraakiisha Ciidaamda, isaga oo kala hadli doona bilaabida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Degmada Ceelbarde ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu dhowr jeer shaaciyay inay go’doonka ka qaadyaan balse aysan ku guuleysan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com