Madaxweynaha K/Galbeed ‘Laftagareen’ oo dib ugu noqday Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Safar Maalmo qaatay ugu maqnaa Dalka Turkey ayaa maanta dib ugu  laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Koonfur Galbeed, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Laftaagreen ayaa sanadkaan dhowr jeer isaga daba laabtay dalka Turkiga, isaga oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas iyo Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee ku sugan meelo kamid ah dalka Turkiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in maalinta berito ah uu shir guddoomiyo Shirka Golaha Wasiirada Koonfur galbeed, isaga oo Warbixin ka siin dona halka ay marayaan qabsoomida doorashada xildhibaannada labada Aqal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com