Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed ‘Laftagareen’ oo dib ugu noqday Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Safar Maalmo qaatay ugu maqnaa Dalka Turkey ayaa maanta dib ugu  laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Koonfur Galbeed, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Laftaagreen ayaa sanadkaan dhowr jeer isaga daba laabtay dalka Turkiga, isaga oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas iyo Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee ku sugan meelo kamid ah dalka Turkiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in maalinta berito ah uu shir guddoomiyo Shirka Golaha Wasiirada Koonfur galbeed, isaga oo Warbixin ka siin dona halka ay marayaan qabsoomida doorashada xildhibaannada labada Aqal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...