Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Guddiga uu magacaabay RW Rooble ee u ololeeya qoondada haweenka oo walaac muujiyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddigaan oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ayaa walaac ka muujiyay in Dowlad Goboleedyada ay ilaaliyaan Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka labada Aqal.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in ay walaac xooggan ka qabaan waxa ka socda Kismaayo, maadaama shaki weyn ay ka qabaan kuraasta Haweenka ee ka soo bixi karta magaalada Kismaayo.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa intaasi ku dartay in musharraxiinta ka soo baxday Jubbaland ay isha ku hayeen guddigooda, waxaana ay ka dalbatay Madaxweynaha Jubbaland in uu ka soo baxo kaalintiisa ku aadan xaqiijinta qoondada haweenka.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa ay walaac ka muujiyeen in la ilaaliyo xaqiijinta qoondada haweenka, taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu u Magacaabo guddi ka shaqeeya u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal.

Halka hoose ka dhageyso Codka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...