Madaxweynaha Jubbaland ‘‘Dalka waa uu ka baxay hubanti la’aanta qabsoomidda doorashada‘‘

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) – ayaa sheegay in dalka uu ka baxay hubanti la’aanta qabsoomidda doorashada dalka, kadib war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.

Maamulka Jubaland ayaa Khamiistii maanta doortay Afar senator oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka.

War qoraalka lagu daabacay barta Facebook ee madaxweynaha Jubbaland ayaa u dhignaa sida:-

Alle weyne ayaa mahad leh.

Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo ku soo jiray.

Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.

Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.

Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com