Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland ‘Axmed Madoobe’ oo lagu soo dhaweeyay Garoowe +(SAWIRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Isniinta maanta ah si diiran loogu soo dhaweeyay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Axmed Madoobe, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoonka Baarlamaanka Puntland iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu kulamo lagaga hadlayo Xaalada Dalka ee Siyaasada Amniga iyo Horumarka uu la yeelan doona Masuuliyiinta Puntland.

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa ay ka mideysan yihiin aragtida ku aadan diidmada go‘aanadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb3 ee loogaga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee, Maamullada Puntland iyo Jubbaland, ayaa u muuqda inay wadaan is-xulafeysi Siyaasadeed, si ay u noqdaan gaashaan buur awood siyaasadeed oo miisaan ku leh dalka, maadaama maamullada kale ay aragti ahaan ay raacsan yihiin DF Soomaaliya.   

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...