Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

Update: Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Wanlaweyn

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, qarax Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira geystay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lagu soo warramayaa in la galiyaay Suuqa hoose ee Degmada Wanlaweyn oo dadka deegaanka ay si aad ah ugu ganacsadaan, islamarkaana maanta uu ahaa mid mashquul badan.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ahaa oo suuqa u soo dukaameysi tagay.

Waxaa la xaqiijiyay in Laba ruux oo shacab ah ay ku dhinteen qaraxaasi, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo ka mid ahaa dadkii suuqa joogay.

Lama oga cidda lala damacsanaa qaraxaas, maadaama meesha qaraxa uu ka dhacay sida la sheegay aysan joogin ciidan dowladeed.

Ciidamada ammaanka oo qaraxa kadib tagay goobta ay wax ka dhaceen, ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen maydadka labadii ruux ee dhintay, halka qofkii dhaawaca ahaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Illaa iyo hadda maamulka Degmada Wanlaweyn kama aysan hadlin qaraxii ka dhacay Degmadaasi ee Khasaaraha uu ka soo gaaray dadka shacabka ee Suuqa ka dukaameysanaayay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...