Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo faray ciidamada lagu soo tababaray Eritrea inay ka qeyb-galaan dagaalka dalka looga xorreynayo Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga saarayo  Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahaan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka  gabagabada maraya ee dalka looga saarayo Al-Shabaab.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro”.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ereteriya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...