Laascaanood (Halqaran.com) – Warar ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Isniinta maanta halkaasi uu ka socday barakac xooggan oo ay sameeynayaan Bulshada Magaalada.
Dadka oo ka cabsi qaba inay Magaalada ku dagaalamaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland sidoo kalena ay saameeyaan bannaanbaxyada rabshadaha wata ayaa u barakacay dhinacyada Bariga iyo howdka Magaalada.
Dhinaca kale, dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa looga baxo Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Millateriga Somaliland, kuwaas oo dadka qaxaya u diidaya inay magaalada ka baxaan.
Somaliland ayaa jaray Khadka Internet-ka ee magaalada Laascaanood, halka meelaha qaar Korontadii laga demiyay, iyada oo dadki ay ku adag tahay inay bannaanka u soo baxaan.
Maalintii Sagaalaad oo xiriir ah ayaa xaalad kacsanaan ah ay kajirtaa Magaalada laas-caanood, waxaana intii bannaanbaxyada ay socdeen dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





