Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Soomaaliya ‘Xasan Sheekh’ oo lagu soo dhaweeyay Tanzaaniya

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya, iyada oo halkaasi si-weyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, isaga oo madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan dhanka wax soosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ahmiyad weyn siinayo kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladda Bulshada Geeska Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii waxa ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada dalladan, si loo xaqiijiyo fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed, suuq-geynta wax-soosaarkooda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...