Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Muxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha iyo ATMIS?

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JF Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika (ATMIS).

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Abaaraha dalka iyo kaalinta Midowga Afrika gaar ahaan ATMIS ay kaga qayb qaadan karaan Gurmadka Abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika kaalintooda ku aaddan nabad ilaalinta iyo gacan siinta dhanka amniga ee howlaha gargaarka.

Madaxda ugu sarreysa ATMIS oo iskugu jiray qaybahooda kala duwan ee nabad ilaalinta iyo gargaarka ayaa si wadajir ah ugu ballaan qaaday Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha joogteynta iyo xoojinta howlaha Gurmadka Abaaraha ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...