Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo laga helay COVID-19 & Xaaladdiisa oo…

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa Khamiista maanta ah laga helay xanuunka COVID-10, waxaa sidaas shaaciyey Aqalka Cade ee looga arrimiyo Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo “astaamaha cudurka oo qafiif ah,” islamarkaana uu si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isaga oo isku go’doomin doona Aqalka Cad.

“Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya astaamo kooban,” ayaa lagu yiri war-saxaadeedka kasoo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kaniiniga difaaca COVID-19 ee Paxlovid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.

“Si waafaqsan tilmaamaha CDC, wuxuu isku go’doomin doonaa Aqalka Cad, wuxuuna si buuxda u gudan doonaa waajibaadkiisa muddadan.”

Biden ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.

Dimoqraadiga ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in loogala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale wajahaya waqtigii ugu adkaa muddo xileedkiisa, waxaana hoos usii dhacaya tirada dadka la dhacsan hab maamulkiisa.

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Quinnipiac University oo la baahiyey Jimcihii ayaa muujineysa in kaliya 31% shacabka Mareykanka ay ku qanacsan yihiin habka uu u maamulayo dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Biden ayaa lagu warramay in guud ahaan xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, hase yeeshee da’diisa 79 jirka ah ayaa abuureysa walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo COVID-19.

Xafiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...