Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho:
Madaxweyne Qoorqoor ayaa madax iyo mas’uuliyiin sare oo heerarka kala duwan leh ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Qoorqoor ayaa dhawaan ka qeybgali doona shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u joogay magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





