Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Taliska Booliska Galmudug oo war ka soo saaray khasaarihii ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen Wisil

Mudug (Halqaran.com) – Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Mudug ee Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab weerarkii gaadmada ahaa ay ku soo qaadeen deegaanka Wisil aroornimadii Axadda maanta.

Taliyaha ayaa sheegay in abaaro 4:30 habeenimo xilliga la isku diyaarinayay salaad subax ay soo weerareen deegaanka, hase ahaate ciidamada xoogga dalka kuwa daraawiishta Galmudug iyo bulshada deegaanka ay iska caabiyeen, isla markaana ay ka dileen argagixisada tiro maleeshiyaad ah lagana furtay hub.

Sidoo kale, Gashaanle Maxamed Mire Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu wali socdo isla markaana la jibiyay, hadane lagu raad joogo haraadigooda.

“Waan sii wadeynaa inta aan ka xoreyneyno dhamaan deegaannada ay sida dhuumaaleysiga ah uga joogaan gobolka Mudug maxaa yeelay awood malahan oo ay si toos ah noogu wajahaan kali hada awoodoodu waxa ay ku soo aruurtay weerarada gaadmada ah‘‘ ayuu yiri taliye Maxamed Mire.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...