
Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa balan qaaday mucaarad iyo Muxaafid si wadajir ah inuu ula shaqeyn doono si horumar ballaaran loo gaarsiiyo deegaannada Galmudug.
Mr. Qoorqoor ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmayay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug, kuwaasi oo tagay magaalada Dhuusamareeb, kadib markii madaxweyne Qoorqoor uu casuumay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaday madaxweynaha Galmudug inuu si wadajir ah ula shaqeynaayo mucaaradka iyo Muxaafidka, islamarkaana qorshaha uu yahay sidii Maamulka Galmudug lagu gaarsiin lahaa horumar.
“Aniga weli waxaan diyaar u ahay inaan wada-hadal wax walbo ku dhammeeyo, halkaan waxaa jooga siyaasiyiin na diidanaa balse waan wada hadalney waana heshiiney,kuwa naga maqan duruufo ayaa jira waana imaan doonaa ayuu yiri”, madaxweyne Qoorqoor.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in uu weli diyaar u yahay in uu la wada hadalo cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka uu Madaxda ka yahay si loo helo Galmudug leh horumar iyo amni.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





